Ciidanka Booliska ayaa ka war bixiyay Burcad maal mihii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan dhac kaga gaysanayay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Afheyeenka Booliska oo shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa faah faahin ka bixiyay burcad ay Ciidanka Booliska Gobolka ay siyaabo kala duwan usoo qabteen maal mihii ugu dambeeyay.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka Booliska in ay diiwan galiyeen 94 kiis oo la xariirat Burcadda dhaca ka gaysta caasimadda, kuwaasi oo uu sheegay in ay siyaabo kal duwan u diiwaan galiyeen, ayna jiraan sidoo kale kiisas kale oo lagu dabo jiro.
Waxaa uu intaas ku daray in 25 ka mid ah Kiisaskaasi la waafajiyay Maxkamadda awoodda u leh qaadidda kiisaska noocaan ah ee la xariira dhaca loo gaysto Bulshada, taasi oo ay ku kacaan burcadda hubeysan ee dhaca ka gaysta magaalada Muqdisho ee Casimadda Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa digiiin u diray Burcadda ku howlan falalka noocaan ah ee inta badan bulshada dhibaateeya, waxaana uu sheegay in ay jiraan Goobo u furan in lagu kala iibsado waxyaabaha lasoo qado sida Moobeelada gacanta iyo Computerada. Isagoo intaas ku daray in tallaabo ay ka qaadi doonaan.
Maalmihi u dambeeyay waxaa soo abdanayay dhaca baahsan ee ay gaysanayaan dabley ku labbisan dhanraka Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo aan si aan gabbasho lahayn dhac uga gaysanayay Caasimadda.