Ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubaland ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ay kusoo qabteen madaxii macluumaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa aagga Kismaayo.
Ugaas Aaden Maxamed (Dhakalow) ayay soo bandhigeen Jubbaland, waxaana ay sheegyeen in ay kasoo qabteen  degaanka Gosha ee nawaaxiga Kismaayo, waxaana sidoo kale  Nabad-sugidda Jubaland intaa ku dareen in ay sii wadi doonaan howlada ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.
Telefishinka maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay xubintaas la sheegay in uu ka tirsanaa dagaalamaayasha Al-shabaab, “Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deeganada Gosha ku soo qabtay madaxii Macluumaadka Jabhada Shabaab ee aaga Kismaayo Ugaas Aadan Mohamed (Dhakalow).â€