Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan degmada Kaaran ee Gobolka ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa uu sheegay inuu aad xun yahay xiligaan in dagaal saacado socday uu degmada Kaaraan ku dhexmaro Ciidamo ka wada tirsan dowladda, isla markaana arrintaas dowladda ay wax ka qaban doonto.
Dadkii ku dhintay isku dhaca Ciidamada ayuu Guddoomiyaha Gobolka tacsi u diray, halka kuw dhaawacmay uu u rajeeyay Caafimaad, waxaana uu xusay in waqtigaan dadka Soomaaliyeed iyo dalka aysan u baahneyn dagaal iyo fowdo dhacda.
“Waxaan rabaa inaan uga tacsiyeeyo dadkii halkan ku dhintay,qof walba waxaa laga rabaa Midka Qoriga wata ee dadka baadaya inuu ka hortago” ayuu yiri Cumar Finish oo ka hadlaayay munaasabad lagu qabtay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Isaga oo sii hadlaayay Duqa Muqdisho ayuu tilmaamay in dowladda ay leedahay awood ay uga hortagto isku dhacyada Ciidamada, hayeeshee aysan diyaar u aheyd, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaasi.
“Dowladdu diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiilashiinna dambia sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiy†ayuu sii raaciyay hadalkiisa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Si kastaba dagaal geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga dowladda, waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 10 qof, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.