Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda Magaalada Garoowe.
Xasan Sheekh ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Sh Axmed Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta, iyadoo tegaya Caasimadda Puntland.
Ujeedkooda ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo ka furmaya Magaalada Garoowe, kaasi oo markii horreeyay ee lagu qabanayo dalka Soomaaliya.
Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi la socday ayaa shalay gaaray Garoowe, iyagoo uga qeyb geli doona Shirka Madasha Aragti Wadaagga.
Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa Garoowe wufuud kala oo qeyb galaya Shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.