Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Dhabancad ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir Dhabancad ayaa waxa lagu sheegay in sababta shaqo joojinta loogu sameeyay Guddoomiye Saa’id Maxamuud Cali ay tahay, kadib markii ay cabashooyin ka keeneen shacabka Magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa faray Guddoomiye ku-xigeenka Gaalkacyom Maxamed Cabdinaasir Cigaal inuu shaqada sii wado illaa amar dambe, isla markaana laamaha amniga ay la shaqeeyaan.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasiir Dhabancad.