Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug kasoo daabushay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii is-miidaaminta ee shalay Gaalkacyo.
Diyaarad nooca xamuulka ah ayaa Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo kasoo qaaday dhaawacyada Culus ee halkaas wax looga qaban waayay, waxaana saacad kadib laga soo dejin doonaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdirisaaq iyo Mas’uuliyiin kale ayaa horey u soo raacay diyaarada lagu soo qaaday dadkii dhaawacmay, iyagoona la dhigayo markii la keeno Caasimadda Xarumo Caafimaad.
Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa ku warramay in dadka dhaawacyadooda loo soo qaaday Muqdisho ay isugu jiraan dad shacab ah iyo Askar ka tirsan dowladda oo si darran u waxyeeleeyay Qaraxii ka dhacay afaafka horey ee Garoonka Cabdullaahi Ciise.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dadweyne badan ayaa ku geeriyooday Qaraxii shalay, halka dad dhow 20 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, waxaana Mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab.