Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal xoogan oo ka socda xaafaddo ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ahaan kuwa ku dhow Kawaan Barri, kaasi oo u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.
Dagaalkan ayaa socda ku dhawaad 2 saacadood, wuxuuna soo bilowday barqanimadii Maanta, iyadoo Ciidanka dagaalamaya oo ka wada tirsan Milateriga dowladda Federaalka ay isku adeegsadaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in rasaas xoog le la maqlayo, isla markaana Ciidankaas ay kala hoggaaminayaan Cismaan Xaadoole iyo Taliye lagu magacaabo Abuukar Joorre oo ka tirsan Ciidanka Canshuurta qaada ee Minishiibiyada.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn, waxaana jira dad shacab ah oo rasaas habow ah ay ku dishay guryhooda.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ay wadaan dadaadlo kala duwan oo ay ku doonayaan inay ku kala dhex galaan Ciidanka Milateriga ee dagaalamaya.
Dagaalkan ayaa salka ku haayo muran ka dhashay dhul ku yaallo aagga xaafadda mirinaayo dhinaca degmada Kaaraan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in labada dhinac ay gurmadyo kala duwan heleen.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaas la tilmaamay inuu khasaaro kala duwan geystay, waxaana xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa aaga Kawaan Barri.