Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeesheen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu muddo kordhin loo sameeyay Golaha Wasiirada Hirshabeelle ee xilka sii haaya, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa 56 Xildhibaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sidoo kale aqbalay Codsi uga yimid Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku aadan in waqti kordhin loo sameeyay soo magacaabista Golihiisa Wasiirada cusub, waxaana loogu daray 45 maalmood.
Kulankaas oo uu shir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdikariin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku dhawaaqay natiijda Codeynta, wxuuuna shaaciyay in muddo 45 cesho loogu daray waqtiga uu Madaxweynaha ku soo dhisayo Golaha Wasiirada.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaan weli la Caleemo-saarin, iyadoona weli tabashooyinkii ka dhashay doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar aan xal buuxn laga gaari.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo doorashadii Cali Guudlaawe, waxaana halkaas weli ka socda dadaalo lagu xalinayo tabashooyinka jira.