Warar dheeraad ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiligaan ka socda degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoona la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalka uu sigaar ah uga socdo xaafado dhow Kawaan Barri ee Kaaraan, isla markaana uu u dhexeeyo Ciidamo Milateri ah oo ka wada tirsan dowladda Federaalka.
Ciidanka dagaalamaya ayaa waxaa kala hoggaaminaya Taliye Cismaan Xaadoole iyo Taliye Magaciisa lagu soo gaabiyay Joorre oo ka tirsan Ciidanka Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada ee Gobolka Banaadir.
Khasaaro isugu jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo soo kala gaaray labada dhinac, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ay wadaan dadaalo lagu doonayo inay ku joojiyaan dagaalka socda oo la sheegay inuu salka ku haayo muran la xiriira Dhul.