Qaramada Midoobey aya war kasoo saartay Qaraxa Ismiidaamin ah oo Galabtay lagu weeraray  dad shacab ah iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, waxaana Qaraxaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
War qoraal ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu sheegay in QM ay cambaaraynayso Qaarxii Galabta, waxaana ku baaqday in kuwii ka danbeeyay weerarkaasi Caddaaladda la hor keeno. Waxayna sidoo kale tacsi u diratay dadkii waxyeelladu soo gaartay iyo qoysaskooda.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii lala eegtay maanta garoonka cayaaraha ee Gaalkacyo, kahor hadal jeedinta Raysulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, qaraxaasi oo sababay khasaare badan. Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa in kuwii ka danbeeyay dhagartaasi caddaaladda la hor keeno. Waxayna sidoo kale tacsi u diraysaa dadkii waxyeelladu soo gaartay iyo qoysaskooda†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay QM.