Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax Madaxweyne ayaa sheegay inay ka xun yihiin rasaastii Maanta lagu furay dadkii banaanbaxa looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo ka dhigay Muqdisho.
Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Gobolka Banaadir ugu baaqay inay sii wadaan banaanbaxyada nabadda ee ka dhan ah Farmaajo iyo DFS, isla markaana xusay in Musharaxiinta ay ku biiri doonaan banaanaxyada ka dhacaya Muqdisho.
Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in shacabka Soomaaliyeed lagu soo mada-daaliyey doorasho qof iyo Cod, hayeeshee taas aysan dhicin, markii dambana la gaaray heshiis ah in la qato doorasho badban, ayna Musharaxiinta aqbaleen Go’aankaas.
Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda ayuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inay caqabado badan hordhigeen doorashada dalka, ayna sabab u yihiin in xiligaan dhici weydo doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana sharciga dalka ay ku tunteen.
Heshiiskii laga gaaray doorashada 17-kii bishii November 2020 ayuu Madaxweynihii hore ee dalka tilmaamay inuu buriyey Farmaajo, kadib markii Guddiyada uu kusoo daray xubno ka tirsan hay’adda NISA iyo shaqaalaha dowladda.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa Ciidanka dowladda Federaalka uga digay in Madaxda dowladda ay u adeegsadaan in dad shacab ah oo banaanbax nabadeed ka dhigaya Muqdisho la rasaaseeyo, wuxuuna falkii Maanta lagu rasaaeeyay dadkii dhigayay banaanbaxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha.
Uggu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda dowladda iyo Taliska Booliska ka dalbaday in lasii daayo dadkii loo xiray banaanbixii ka dhacay Caasimadda, isla markaana la joojiyo baacsiga lagu haayo dadkii kale ee ka qeyb galay banaanbaxa.