Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa Goordhow ka furmi doona Shirka Guddiga amniga doorashooyinka Qaranka 2020/2021, kaasi oo looga hadli doono Arrimo ku aadan amniga.
Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa howlaha sugida amniga Doorashada dalka ee dhaceysa dhammaadka sanadkaan iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Sidoo kale Shirka ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa diyaar garoowa ku aadan Doorashada iyo sidii wadashaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Ciidanka amniga dowladda Federaalka iyo kuwa AMSIOM.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb geli doona xubnaha Guddiga amniga ee Doorashooyinka, xubno ka socda Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda amniga, NISA, Saraakiil ka tirsan CXD, AMSIOM, Beesha Caalamka iyo maamul Goboleedyada.
Shirkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo weli muran xoogan uu ka taagan yahay Doorashada dalka ka dhaceysa gaar ahaan guddiyada la magacaabay, isla markaana kasoo horjeedan Musharaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.