Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay khilaafka dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi C/llaahi ee ku aadan Guddiga Doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in aan loo baahneyn in xiligaan arrinta Guddoomiye Cabdi Xaashi caqabad laga dhigo, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in horay loo socdo, heshiiskana loo fuliyo sidii uu u qornaa, lana xaliyo caqabadaha jira.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa caddeeyay in hal maalin heshiiskii laga gaaray Doorashada Soomaaliya aan lagu soo darin in Guddoomiyeb Cabdi Xaashi soo magacaabayo Guddiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu Lafta-gareen sheegay in heshiiskii la gaaray uu ku qoray in Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ku metelaya Somaliland uu soo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.
“Aniga in caqabad in laga dhigo uma arko arrinta Cabdi Xaashi, arrimaha somaliland marka la yiraahdo anaga waa joognay heshiiska waana qoran yahay waana la hayaa hal maalin meel looga hadlay ma jirin cabdi xaashi baa looga dambeynayaa guddiga somaliland, wey cadahay heshiiska ku qoran tahay raysal wasaaraha soo magacaabayo waxaa fadhiyay shirka oo qeyb ka ahaa raysal wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo somaliland ka soo jeeda, cabdi xaashi oday soomaaliyeed waaye, ayuu yiri Lafta-gareen.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in Cabdi Xaashi ay aheyd in loo dhiibo arrimaha Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, hayeeshee arrintaas aysan dhicin, isagoo dalbaday in aan caqabad laga dhigin xiligaan arrinta.