Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kulankii 22-aad ee Kalfadhiga 47-aad ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland, kulankaas oo shir Guddoomiyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Kulank oo Ajandihiisu ahaa La Xisaabtanka Golaha Wasaaradda Puntland ayaa waxaa maanta hortegay Wasiiro ka tirsan Maamulkaas, iyadoona weli Baarlamaanka uu isla xisaatan ku wado Golaha.
Wasiirada Maanta hortegay Baarlamaanka Puntland ayaa kala ahaa :
1- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL
2- Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta DPL
3- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska DPL
4- Wasaaradda Amniga & DDR-ta DPL
5- Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, dhaqanka iyo Dalxiiska DPL
Wasaaraddaas oo isku ah Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa ugu horeyn waxaa Warbixintooda si guud u soo jeedisay Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland, Wasiiradda ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaraddaha, qorshayaasha u degsan iyo waxyaabaha u qaab-soomay.
Intaa ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirada Wasaaradaha sida uu qabo Dastuurka Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.
Maalintii 2aad ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL waxay waddaan La-Xisaabtanka Golaha Xukumadda taas oo qeyb ka ah shaqooyinka Golaha.