Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmedv Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku keeni kara heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen Doorashada dalka.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa khubad Maanta ka jeediyay shir u socda dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, kaasi oo sanadkiiba mar la qabo, isla markaana looga hadlayo arrimo kala duwan oo kamid yihiin Doorashada dalka iyo caqabadaha heysta.
Waxaa uu sheegay Madaxweyaha Galmudug in loo baahan yahay in la fuliyo heshiiskii bishii November 2020 laga doorashada dalka, lagana shaqeyno doorashada taabagelinteeda, habsami u socodkeeda iyo hufnaanteeda intaba.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Qoorqoor ayaa tilmaamay wixii tabasho ee jira heshiiska gudihiisa la isku qanciyo, lana isku tanaasulo, si arrimaha doorashooyinka guul ku dhamaadaan.
“Waxa Galmudug ka go’an in mar labaad door shariif ka qaadato habsami u socodka doorashooyinka iyo hirgelinta, tabashooyinka jira la iska qanciyo, sida caadada aheyd dadaalkaas waa ku jirnaa waana waajibaad na saaran horayna uga soo qeyb qaadanay, waxaa rabaa dhammaan dhinacyada oo dhan in aan iraahdo in laga fogaado wax walba oo heshiiska ama doorashada caqabad ku keeni kara in doorashadan taaba gelinteeda habsami u socodkeeda iyo hufnaanteeda aan ka wada shaqeyno tabashooyinka jira heshiiska gudihiisa la isku qanciyo, la iskuna qaato lana isku tanaasulo si arrimaha doorashooyinka guul ku dhamaadaan” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Si kastaba muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Doorashada dalka Soomaaliya, isla markaana ka dhashay Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, waxaana kasoo horjeeystay Guddiyadaas Musharaxiinta Madaxweynaha, xili Puntland iyo Jubbaland aysan weli soo gudbin Liiska xubnaha ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka.