Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa la hadlay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dalka ka dhacaya oo horey heshiis uga gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.
James Swan ayaa waxaa uu sheegay in Doorashada ka dhaceysa dalka dhammaadka sanadkaan 2020/2021 ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay qeyb qaadato cid kasta, isla markaana ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay.
Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay shir isugu yimaadan, si xal looga gaaro khilaafka ka taagan Doorashadii November lagu heshiiyay.
Sidoo kale James Swan ayaa xusay in muhiim ay tahay doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, ayna ka qeyb qaatan saamileyda siyaasadeed ee dalka, ayna noqoto mid loo dhan yahay oo heshiis lagu wada yahay.
James Swan ayaa hadalkaan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Shirka Somalia Partnership Forum ee Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Beesha Caalamka uga socda Hoolka weyn ee Afisyooni ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.