Wasiirka arrimaha gudaha, dib u-hishiisinta iyo Federaalka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiran kullan kula yeeshay Saraakiisha ciidanka qalabka sida ah gaar ahaan hogaanka ciidanka xoogga dalka qeybta 5-aad iyo hogaanka ciidanka booliska gobolka Hiiran.
Generaal Mukhtaar Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa ku dhiirigaliyay ciidamada doorka xooggan oo ay ka qaateen nabad-galyada iyo la dagaalanka Al-shabaab.
“Waxaan Bogaadinayaa doorka aad ka qaadateen nabad-galyada magaalada oo aan ogtahay xaaladii ay ku sugneed dhinaca amniga marka loo eego deggenaanshaha ka jiran magaalada, waxaana amray in loo turo shacabka iyadoo lagu shaqeynayo hanaanka dowladnimada†ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Arfax.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo soo dhoweeyay wasiirka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay waxbadan ka qaateen amaanka magaalada hase ahaatee xilliga kala guurka uu sameeyn ku yeeshay balse sidoo kale ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowladda dhexe.
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda oo shalay kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Baladweyne ayaa ka dalbaday in la joojiyo banaanbaxyada ka dhacaya Magaalada, isla markaana tabashooyinka jira lagu dhameeyo wada-hadal.