Waxaa Maanta oo sabti ah degan xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii shalay ay ka dhaceen dagaal muddo kooban socday iyo Banaanbaxyo rabshado watay oo hareeyay gudaha Magaalada.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in saakay xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana ay furan yihiin goobaha Ganacsiga iyo waddooyinka waaweyn ee Magaalada oo xirnaa.
Sidoo kale waxaa furan Xarumaha Waxbarashada ee ku yaalla gudaha Baladweyne, iyadoo dadku ay ku jiraan Jawi ka duwan midkii shalay, xili halkaas ay saacadihii lasoo dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo looga horjeeday Maamulka Hirshabeelle.
Gelinkii dambe ee shalay, Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa kulan gaar la qaatay qaar kamid Odayaasha dhaqanka Baladweyne, isagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka dhashay doorashadii Jowhar.
Odayaasha iyo Wasiir Mukhtaar ayaa ku heshiiyay in xal buuxa laga gaaro tabashooyinka ay dhismaha Maamulka Hirshabeelle iyo Doorashada ka qabaan dadka degan Baladweyen, wuxuuna ku baaqay la joojiyo xaaladda kacsan ee halkaas ka jirta.
Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Jabhadda hubeysan ee Gen. Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa shalay ka dhacay Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaaro, waxaana intaas kadib xigay banaanbax looga horjeeday Safar uu Madaxweyne Cali Guudlaawe shalay ku doonayay inuu halkaas ku tego.