Xildhibaanadii ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Puntland ee xasaanada laga qaaday khamiistii lasoo dhaafay ayaa kasoo horjeeystay Go’aankii Xildhibaanada Puntland ay xilka uga qaadeen.
Xildhibaanadaas oo gaaayay ilaa iyo 8 Mudane oo xalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabkii xasaanada looga qaaday, iyagoona sheegay tallaabadaas loo maray aan waafaqsaneyn Dastuurka, isla markaana ku dhawaaqay Go’aan adeg.
Xubnaha ayaa gebi ahaan beeniyay eedeymo kala duwan oo loo jeediyay kuna aadan xilka qaadistoodii, waxaana ay sheegeen in aysan aqbali doonin Go’aankii laga qaatay khamiistii lasoo dhaafay, ayna Xildhibaano yihiin.
Sidoo kale Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday ayaa sheegay in danno siyaasadeed laga lahaa xilka qaadistooda, iyagoona arrintaas ku eedeeyay inay soo abaabushay Xukuumadda Madaxweye Saciid Deni, waxaana ay xuseen in weli xasaanad leeyihiin.
Ugu dambeyn Shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ayey ugu baaqeen inay ilaaliyaan midnimada dowlad Goboleedka Puntland iyo amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo.
Baarlamaanka Puntland ayaa xasaanadii ka qaaday 8 Xildhibaan, kuwaasi oo kala ah  Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac Surato, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin iyo C/raxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore).