Kooxo ku hubeysnaa Bistoolad ayaa fiidnimadii xalay aheyd deegaanka weeydow ee duleedka Magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsnaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ragii hubeysnaa ayaa rasaas ku hubiyay Askari ka tirsnaa Ciidanka, xili uu ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku yaalla deegaanka weeydow, isla markaana waxaa halkaas isaga tegay ragii ka dambeeyay falkaas.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ragga dilka geystay ay ahaayeen dhalinyaro watay Bastoolad, waxaana Meydka daqiiqado yaallay goobta markii dambe ka qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaas gaaray.
Deegaanka weeydow ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa marar kala duwan oo horey uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro lagu qaaday Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, iyadoo falalkaas inta badan ay sheegteen Al-shabaab.