Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusman, ayaa hoggaamiyay wafdiga Soomaaliya uga qeybgalaya shirka 47aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka dorraad ka furmay Magaalada Niamey ee Caasimadda Dalka Niger.
Shirka oo loogu talogalay inuu socdo maalmaha 27 iyo 28 bishan November ayaa halkudhiggiisu yahay (Midowga la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee Nabadda iyo Horumarka) si loo caddeeyo sida ay uga go’an tahay dowladaha xubnaha ururkani la dagaalankooda.
Hadal uu shirka ka jeediyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay ujeeddooyinka iyo mabaadiida Ururka Iskaashiga Islaamka si loo ilaaliyo nabada iyo amniga caalamiga ah, iyo waliba dadaalada ay ku dooneyso in wadamada xubnaha ka ah ay ku gaaraan horumar.
Wasiiru dowluhu waxa uu ka qeybgalayaasha shirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan soo celinta amniga iyo xasilloonida, isagoo muujiyay guulaha ballaaran ee ay dowladdu ka gaartay dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale wax ka qabashada xaaladaha xuquuqda aadanaha.