Iyadoo Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya ay soo saaraty qoraal ay ku dalbanayso in la joojiyo dagaalka ka u dhexeya Dowladda Federaalka  Itoobiya iyo Tigreega, ayaa waxaa gabi ahaanba la tiray Qoraaladiia y soo saartay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Qoraalka hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Ethiopia.â€
Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay inay dawladda Soomaaliya taageereyso midnimada Ethiopia iyo in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka gudaha ah.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad farriin uu ku daabacay barta rasmiga ah ee Wasiirka Arrimaha Dibedda uu ku sheegay inuusan jirin war qoraal ah oo rasmi ah oo ku aaddan xaaladda Itoobiya.
Waxa uu wasiirku ku sheegay farriintaas in qoraalka la wareejinayo uusan ka turjumayn aragtida Dawladda Federaalka Soomaaliya, uusanna sax ahayn.
Lama oga sababta keentay in Wasaaraddu ay ka laabato qoraalka ay soo saartay ee ay ku dalbatay in la qaboojiyo xaaladda dalka Itoobiya.