Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay guulo militeri ka gaareen waqooyiga Tigray halka ciidamada ay ku dhaw yihiin caasimadda Mekelle.
Dagaalyahanada Tigray ayaa wadaa dagaal ay ku difaacaan magaalada Alamata oo dhawaan dowladda sheegtay inay la wareegtay.
Dadka ka qaxaya gobolkan ayaa weli kusii qulqulaya Suudaan, dad badan ayaa isaga qaxay Tigray in ka yar labo toddobaad markii ay dagaallada halkaas ka qarxeen.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in “xaalad bina’aadanimo oo ballaaran” ay ku soo fool leedahay. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shaley sheegay in howlgalka milateri ee ka soconaya gobolka Tigray uu galay wajigiisii ugu dambeeyay.
Dhanka kale Madaxweynaha gobolka Tigray ayaa madaxda caalamka iyo kuwa Afrikaba ugu baaqay inay cambaareeyaan dagaalka uu ku eedeeyay inay soo qaadday dowladda federaalka.