Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka degtay diyaarad sida deeq Daawo ah oo farabadan.
Deeqdan Daawada ah ayaa waxaa Baladweyne gaarsiisay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO), isla markaana waxaa Hay’adda Deeqda kala wareegay isku-duwaha  Wasaaradda Caafimaadka maamulka Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan Dr. Axmed Maxamed Khaliif.
Isku-duwaha  Wasaaradda Caafimaadka ayaa Hay’adda WHO uga mahadceliyay deeqdaas ay gaarsiisay, wuxuuna sheegay in muhiim u yahay xiligaan dadka deegaanka Magaalada Baladweyne iyo dadka kale ee kunool Gobolka Hiiraan.
Shixnadan Dawada ah ayaa ah sigaar ah loogu tala-galay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baladwayne oo la tilmaamay in Isbitaalka ay ka jirto baahi daawo, si wax loogu qabto bukaano jiifa halkaas.