Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa magacaaawday Sii-hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka.
Wasiir Khadiijo Diiriye ayaa Axmed Abuukar Axmed (Axmed Weli) u magacaawday inuu noqdo Sii-hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Khadiijo.
Axmed Abuukar ayaa waxaa uu horey u ahaa Agaasimihii Waaxda Garaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, waxaana magacaabista Agaasimaha Cusub lagu wargeliyay cid kasta oo ku shaqo leh.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee Wasiir Khadiijo Diiriye.