Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka kaqaaday Guddoomiyihii Gobalka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab†waxaa soo baxay Falaanqeyn ku aadan qaabka ay Bulshhadda u arkaan Xil-ka-qaadistaas.
Maxamed Maxamuud Nuur “Caalin†oo ka mid ah Diplomaasiyiintii Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somalia, haatanna La-taliye u ah Dowladda Finlad ayaa saluugay Xil-ka-qaadista Jeneral Mungaab, wuxuuna ka digay inay dhacaan Kacdoon badan, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu sheegay inuu Jeneral Mungaab wax badan qabtay muddadii uu hayey Xilkaasi, isla markaana uu Madaxweynuhu ku degdegay Go’aankaasi.
“Madaxweynaha waxay ahayd inuu ku degdegin Xil-ka-qaadista Mungaab, haddii uusan Xil kale u dhiibaynin†ayuu yiri Diplomaasi Caalin, oo hoosta ka xariiqay in lagu jiro xilli xasaasi ah, loona baahnayn in Xilka laga qaado Madaxda Miisaanka culus ku leh Ummadda, sida Taliyayaasha iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir.
Diplomaasi Caalin, waxa uu ka digay inay qalalaaso siyaasadeed dhacaan, isla markaana uu Mungaab wax badan isku maleegi karo, gaar ahaan Dukumentiyadda dhulalka la isku haysto, iyadoo ay hdici karto inay mar kale dacwado soo oogaan Dadka laga burburiyey dhulalka Obosiibadda iyo kuwa haystay guryaha aysan lahayn.
Halkan ka dhegeyso Wareysiga Diplomaasi Caalin “