Amaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-shabeelle ayaa Saaka la adkeeyay, waxaana sababta keentay in la adkeeyo Ammaanka ay tahay doorashada Madaxweynaha iyo  Madaxweyne ku xigeenka oo Berri ka dhici doonta Gudaha Magalaadaasi.
Ciidan aad u farabadan ayaa lasoo dhoobay waddooyinka Jowhar kuwaasi oo amaaanka adkeynaya, waxaana y baaritaanno ku sameynayan Gaadiidka iyo dadka soo galaya Magaalada Jowhar, waddooyinka iyo guud ahaanba Magaalada ayaa lagu soo daadiyay Ciidan isugu jira Nabad Sugid iyo Boolisa, waxaana ay wadaan howlagalo ammaanka lagu xaqiijinayo.
Murashixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweyne ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa la filayaa in Maanta ay jeediyaan Khudbadahooda, waxaana ay ka hor jeedin doonaan Baarlamaanka Maamulkaasi.
Murashixiinta isku diiwan galiyay Xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa la filayaa inay waxqabadkooda ka horjeediyaan Xildhibaaanada, waxaana ilaa hadda isi-soo sharraxay afar murashax oo kaliya, kuwaas oo u tartamaya jagada Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle.
Hay’adaha amaanaka ayaa si gaar ah ammaanka isaga xil-saaray, iyadoo jowhar  la geeyay Ciidamo isgu jira Boolis iyo Nabad Sugid, waxaana  Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaasi si weyn looga dareemaya doorashada Madaxweynaha iyo madaxweynwe ku xigeenka.
Mas’uuliyiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa horay isku diiwaan galiyay, waxaana Guddoomiyaha Guddiga Doorashada  Madaxweynaha iyo Madaweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Xil.Caaisho Khaliif Xaji Maxamed ayaa Gudoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimada Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo utartamayo Jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Musharax Cali Guudlawe Xuseen oo u tartamayo Jagada Madaxweynaha iyo Musharax Yuusuf Axmed Hagar oo utartamayo Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle, waxaana jagada Madaxweyne ku Xigeenka kula tar-tami doona Maxamed Maxamuud Cabdulle oo isna u taagan qaabshada Xilka Madaxweyne ku xigeen ee Hir-shabeelle.
Waxaa la filayaa in Berri oo Arbaco ah in la gudo galo doorashada Madxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.