Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Itoobiya, Temesgen Tiruneh ayaa is casiley, xilli dagaallo culus ay ka socdaan xuduudka labada Gobol ee Amxaraada iyo Tigreega ee Woqooyiga Itoobiya.
Warbaahinta Itoobiya ayaa waxaa ay ku warramaysaa in Madaxweyne Temesgen uu xilka iska casilay, isla markaana waxaa sababta lagu sheegay inay tahay inuu doonayo inuu ka qayb noqdo badbaadinta dalka.
Warar la helayo ayaa Temesgen Tiruneh oo ahaa Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Itoobiya lagu bedelay nin lagu magacaabo Ato Agenehu Teshager, kaasi noqoya Madaxweynaha Cusub ee Amxaarada
Madaxweynahan is casilay ayaa waxaa uu maalintii shalay aheyd bartiisa Facebook soo dhigay, isagoo oo ku lebisan dreiska Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka ee Itoobiya.