Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Hay’addaha u xilsaaran Dib-U-Eegista Dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan oo uu hoggaaminay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka
Ludfi Shariif Maxamed ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Guddiga la- socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee BJFS Senator Cabdi Xasan Cawaale, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee arrimaha Dastuurka Maxamed Dahir Afrax oo Dhuusamareeb u tegay dardar-gelinta dib u eegista dastuurka.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa wafdiga ka xog-wareystay safarkood, isagoo intaas kadib kula dardarmay xubnahan inay guulo wax ku ool ah ay kasoo hoyaan daddaalada dib u qaabeynta dastuurka JFS inta uusan dhammaan muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah.
Kulankan ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Cali Daahir Ciid ku wehlianayey Wsiirka Dastuurka Galmudug Daa’uud Macallin iyo wubno Ka tirsan Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug.