Wafdi uu hogaaaminayo Wasiirka Dastuurka dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta  gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay, wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweyay, Wasiiro, Xildhibaano Ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS, qaar ka mid ah Agaasimiyasha Wasaaradaha iyo Mas’uuliyiin kale.
Xildhibaan Muumino Shiikh Cumar oo ah gudoomiye kuxigeenka Guddiga Madax Bannaan ee Dastuurka oo qeyb ka ahayd wafdiga wasiirka ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey caasimadda KMG ee dawlad goboleedka Koofur Galbeed.
Wasiirka Dastuurka DFS Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro geedi socodka qabya-tirka Dastuurka, magaaladana ay ku qaban doonaan wadatashiyo la xiriira hawlaha dhammaystirka Dastuurka dalka.
Wafdiga ayaa la kulmi doona madaxda dawlad goboleedka Koofur Galbeed iyo bulshada si ay talooyin ugu biiriyaan geedi socodka dhammaystirka Dastuurka oo sanooyin soo socday.