Ururka Midowga Yurub ee EU ayaa shaaca ka qaaday inay lacag farabadan ugu deeqeen Dalal ay ku jiro Soomaaliya, kuwaasi oo uu sameeyay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo ku faafay Caalamka oo dhan.
Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in dalalka ay ugu deeqeen lacag dhan 20 Milyan oo Dollar, isla markaana uu deeqda ka taageeri doono Urur Gobaleedka IGAD.
Dalalka lacagta loogu daaqay ayaa kala ah Soomaaliya, Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed, waxaana lacagtaas ay Soomaaliya ku leedahay 5 Milyan oo Yuuruo, iyadooga loogu talagalay Arrimaha Caafimaadka iyo sidii wax loogu caawin lahaa Bulshada.
20-kii Bishii Jun ee sanadkaan ayuu Midowga Yurub lacag ugu deeqday dalalka kala ah Uganda, Ethiopia, Erirea, South Sudan Somalia, Kenya iyo Sudan ee uu sameeyay Cudurka COVID-19.
Midowga Yurub ayaa sheegay in lacagahaas deeqda aheyd loogu taageerayay dadka Qaxootiga, Barakacayaasha iyo Bulshooyinka ka gudba xududaha, ayna ku jiraan kuwa Muhaajiriinta.