Wararka aan ka helayno Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in dagaal xooggani uu ka dhacay Gobolkaasi, waxaa jira warar kala duwan oo kasoo baxaya .
Dagaalka aya la sheegay in uu u dhexeeyo labo beelood oo dega degaanno hoos yimaada degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalkaas u dhexeeya Beelaha walaalaha ah e dega halkaasi.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen, waxaana lasoo sheegayaa in laga yaabo in khasaaruhu uu intaas ka badan yahay.
Gobolka Galgaduud ayaa waxaa kusoo noq-noqda dagaal beeleedyada, waxaana horay loo xaliyay dagaal beeleedyo khasaare badan dhaliyay oo ay ku bexen Ciidanka Dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug, waxana dagaal beeleedyadu ay gobolkaaasi ka noqdeen kuwo joogta ah oo hadba soo cusboonada.