Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo barqannmadii Maanta ka kacay Guro ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay Khasaaro hantiyadeed.
Dabkaas oo socday daqiiqado kooban ayaa ka kacay Guryo ku yaalla xaafad isku raran oo ka tirsan degmada Xamar-weyne, waxaana gurmad la sameeyay markii dambe lagu guuleystay in la demiyo dabkaas.
Waaxda Gurmadka deg deg ah ee Gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka oo iskaashaday ayaa ku guuleystay deminta dabka, xili inta uusan gurmadka bilaaban degmooyinka laga arkayay uuro madow.
Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada Cumar Cali Cabdi Maamulka Gobolka oo tegay goobta uu dabka ka kacay lana hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay dabkaas.
Guddoomiye Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in dabka uu ku baabi’iyay laba Guri oo ka dhisnaa Jiingad, isla markaana laga soo badbaadiyay caruur ku sugneyd Guriga xiligii uu dabka kacayay, wuxuuna cadeeyay in wax Khasaaro dhimasho ah uusan jirin.
Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in dabka ka kacay laba Guri uu ka dhashay dab ay ku ciyaarayeen Caruurtii halkaas laga soo badbaadiyay , welina ay wadaan baaritaano kale oo ku aadan wax sabababay dabkaas.
Guryo ku yaalla xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka kaca dab geysta khasaaro hantiyadeed, waxaana bishii hore dabkaan oo kale uu ka kacay Guryo ku yaalla agagaarka Isgoyska Siinaay ee Muqdisho.