Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Fannaanad Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo Muqdisho ku geeriyootay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ehelka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga Tacsiyeeyay, waxaana uu Alle uga baryay in uu jannatul Fardowso ka waraabiyo, isagoo xusay doorkii wanaagsanaa ee ay ku lahayd Xornimada Soomaaliya.
“Waxaan qoyskeeda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan). AUN marxuumad Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii Dalka,dhismaha qarankeenna iyo nooleynta dhaqankeenna. Jannadii Firdows Allaha geeyo samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo†ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.