Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta lagu qabtay Gabar subaxnimadii shalay laga afduubtay Xaafadda Shanta Geed ee degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ee ku sugan Guriceel ayaa qabtay gaari ay saarneyd Gabadha laga afduiubtay Muqdisho, taasi oo Eheleeda iyo laamaha amniga dowladda ay baadi goob ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen.
Taliyaha Ciidanka Booliska Guriceel ee Gobolka Galgaduud Dhamme Cismaan Cali Hudey oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay gacanta ku dhigeen gaari rakaab ah oo ay saarneed Hibo Maxamed Xasan.
Sidoo kale Taliye Dhamme Cismaan Cali Hudey ayaa waxaa sheegay in dhammaan dadii saarnaa gaariga ay la socotay Hibo Maxamed la haayo, isla markaana baatan laamaha amniga ay ku waadan baaritaano kala duwan.
Koox aan la aqoon wax ay ahaayeen ayaa la sheegay in Hibo Maxamed ay afduubteen Xaafadda Shanta Geed ee degmada Howlwadaag, kadibna ay ka xeysteen gaari, iyagoona aan la ogeyn la aadeen.
Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa gudaha Magaalada Muqdisho kusoo badanayay falal Caruurta yaryar lagu wadanayo, sidoo kalena Caruurta lagu baafinayay baraha Bulshada, iyadoona arrintaas ay wallaac xoogan ka muujiyeen Haweenka Gobolka.