Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Sarkaal ka tirsnaa Ciidanka Ilaalada Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Sooomaaliya oo duhurnimadii Maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Dilkaas ayaa waxaa la sheegay inuu Sarkaalka u geystay Askari kale oo isna kamid ahaa Ilaalada Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxaana la tilmaamay in dilka Sarkaalka uu yimid, kadib muran kooban uu soo kala dhex-galay labada dhinac.
Saraalka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray laba Xiddigle Aadan Ibraahim Shamiindo, isagoo muddo ka tirsnaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka markii dambena ka mid noqday Ilaalada Taliye Xijaar.
Askarigii dilka u geystay Marxuum Aadan Shamiindo ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska oo ku aadan dilkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.