Waxaa Maanta Xaafad ka tirsan degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ka dhacay Banaanbax looga soo horjeeday fal kufsi ah oo loo geystay Gabar yar oo kamid ah dadka deegaanka degmadaas.
Qaar kamid dadka degan xaafaddo ka tirsan Hiliwaa ayaa waddooyin ku yaalla degmada isugu soo baxay, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin falka kufsiga ah ee loo geystay gabar 10-sanno jir ah oo dhiganeysay Dugsi Qur’aan ku yaalla Waxarcadde.
Hooyada dhashay Gabdha la dhibaateeyay oo lagu magacaabo Nasteexo oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Gabadheeda uu kufsaday macalinkii Dugsi Qur’aanka u dhigayay, isla markaana dhaawac darran uu soo gaaray Gabdha, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Waxaa kaloo Hooyada ayaa sheegtay inay u baahan yihiin Cadaalad, iyadoona Madaxda dowladda Federaalka iyo laamaha amniga ka dalbatay in Cadaalada la horgeeyo Macalinka kufsiga geystay.
Sidoo kale qaar kamid ah banaanbaxayaasaha ayaa sheegay in doonayaan in Macalinka la sheegay inuu kufsiga geystay Cadaalada la marsiiyo, waxaana macalinka uu dhigayay Xarun Maadi iyo Dugsi Qur’aan.
Dhinaca kale warar la helayo ayaa sheegaya in Ninka ku eedeysan kufsiga ka dhacay Hiliwaa uu ku xiran yahay Xarunta CID-da, isla markaana lagu wado baaritaano kala duwan oo ku aadan dhacdadaas.