Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa sigaar ah uga socda inta u dhexeeysa degmada Buulo-burte iyo Buurweyn, waxaana dagaalkaas uu soo bilowday waaberigii hore ee saakay, iyadoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad ku sugan deegaano ku teedsan Buurweyn ayaa soo weriyay inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoog leh, waxaana ay sheegayaan dadka inay xiligaan dareeymayan cabsi la xiriirta dagaalka.
Sidoo kale waxaa Hawada ka maqan Isgaarsiintii degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, isla markaana waxaa adeg in xog dheeraad ah laga helo dagaal dhexmaraya Ciidanka Xoogga gaar ahaan qeyta 27-aad iyo Al-shabaab.
Hayeeshee Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa sheegay in uu jiro Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay  dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana uu ka dambeeyay dagalkaas, kadib markii Ciidanka dowladda ay howlgal waddo furis ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Al-shabaab qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah la eegteen Kolonyo ay la socdeen Ciidanka qeybta 27-aad, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho, sidoo kalena uu dhacay dagaal xoogan.