Saraakiil ka tirsan Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xerada Turksom tababar ugu furay Askar kamid ah guutada 6-aad ee Ciidamada lugta dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tababarka oo la siinayo Askar gaareysa 450 Askari oo kamid ah Ciidanka dowladda ayaa sida uu qorshahu yahay socon doona muddo 6 bil ah, isla markaana waxaa uu yahay tababarkaas mid ku aadan ka hortega wax loogu yeero Argagixisada.
Munaasabada lagu daah-furayay Tababarkaan Cusub ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil Ciidan, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, wafdi ka socday Turkiga iyo xubno kale.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 450 Askari oo kamid noqonaya Ciidanka dowladda loo furay tababar, waxaana Munaasabada lagu dhaariyay Ciidankaas la qabtay 15-kii bishaan Octoober.
Turkiga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeysa xiriir aad u wanaagsan, waxaana Turkiga uu horey tababaro u siiyay Ciidamo farabadan oo dowladda, waxaana haatan uu tababar u furay Dufcadii 6-aad ee Ciidanka lugta.