Wararka aan ka heleyno inta u dhexeeysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas waaberigii hore ee saakay uu ka dhacay shil gaari oo geystay Khasaaro kala duwan.
Shilkaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii uu gebi ahaan rogmaday gaari nooca xamuulka qaado ah oo lagu soo raray xoolo farabadan, xili uu ku socday xawaare dheereeya, isla markaaana uu mararay wadada xiriirisa Hargeysa iyo Berbera.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shilkaas oo soo gaaray dad saarnaa gaarigaas, waxaana goobta ku geeriyooday dhowr qof, halka dad kalena dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen, In kastoo aan la cadeyn tirada rasmiga ah.
Sidoo kale waxaa shilka ku le’day Xoolo ku dhow 200 oo neef Arri ah oo lagu soo raray gaariga xamuulka ahaa ee rogmaday, waxaana dadka dhaawcamay Gurmad xoogan u sameeyay dad xiligaas wadada mararay, iyadoo dhaawcyada la geeyay Hargeysa.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinayay in gaariga uu si darran u rogmaday, isla markaana la arkayay Arri farabadan oo dhulka daadsan iyo gurmad loo sameeynayay dadkii saarnaa gaarigaas.
Shilal kala duwan oo geystay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa horey sidaan oo kale uga dhacay deegaano ka tirsan Somaliland, waxaana inta badan shilalkaas loo sababeeyay Darawalada oo si xowli ah u wadda gaadiidka, xiliyada ay halkaas ku socdaalayaan.