Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa la filayaa inuu ka furmo Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Maamulkaas, kadib markii Kal-fadhigii hore uu dhammaaday.
Munaasabadda lagu daah-furayo Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa haatan ka socota Magaalada, waxaana ka qeyb geli doona furitaanka Mas’uuliyiin kala duwan oo gaaray halkaas.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa furitaanka Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareenn ayaa lagu wadaa inuu Khudbad ka jeediyo Munaasabadda, isla markaana waxaa uu uga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan deegaanada Maamulka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in saacadaha soo socda Magaalada Baydhabo ay tegi doonaan wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda lagu daah-furayo Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana meelaha qaarkood la geeyay Ciidamo Boolis ah, sidoo kalena la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta lagu qabanayo Munaasabadda.