Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.
Saciid Deni iyo wafdi la socday ayaa Maanta waxaa si ballaaran Garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo iyo Boqolaal qof oo lasoo diyaariyay.
Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay, waxaana intaas kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.
Inta uu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayuu Madaxweynaha Puntland kulamo kala lasoo qaatay Madax kala duwan oo ka tirsan dowladdahaas, isla markaana kala hadlay arrimo ku aadan Maamulka iyo Qodobo kale oo gaar ahaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa saakay xiray inta badan waddooyinka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana loo xiray sababo la xiriira soo dhaweeynta Madaxweyne Saciid Deni.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Waddooyinka loo xiray Madaxweynaha Puntland uu saameyn xoogan Maanta ku yeeshay guud ahaan nolosha dadweynaha Garoowe, gaar ahaan xamaalatada iyo muruq-maalka danyar.