Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in ay ahaayeen Sarkaal iyo Darawalkiisa si gaar ah uga shaqeyn jiray deegnada Xiriirsan ee Balcad & Basro.
Weerar ay ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada Xoogga Dalka ku lahaayeen Cirifka ay degmada Balcad kala wadaagto Basro ayaa labada Eedeysane lagu soo qabtay iyaga  oo dhawaac ah November Sanadkii tegay.
Hey’adaha Caafimaadka Dowladda ayaa isku howlay sidii ay u baxnaani lahaayeen Maadaama dhaawacyo ay gaareen, waxaana 11-kii March Sanadkan ay ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar, si’ay u soo dhameystiraan eedaha labada eedeysane Baaristooda.
Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa Alshaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa in ay caawinayeen koox iyaga ku tirsan oo uu weerarka ku qabsaday Doonka.
Cumar oo isaga wada Mooto u ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada Shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen Fariisin Ciidan November Sanadkii tegaay.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda.
Eedeysanayaasha ayaa heysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan muddo ku siman 30 cisho xukunka kadib.