Ciidamada ammaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Magaalda Muqdisho ku xiray ganacsato iyo gaadiidley lagu tuhmaayo in ay xiriir la sameeyeen Al-Shabaab.
Ganacsatada ay xireen Ciidanka amniga dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Xaashi, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in lala xiray xubno kale kale oo ka tirsan Guddiga gaadiidleyda.
Ganacsatadan ayaa la sheegey in ciidamo si gaar ah u tababaran ay magaalada ka dhex xireen, kuwaasi oo la tilmaamay inay xiriir la sameeyeen Al-shabaab.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Ganacsatada iyo xubnaha kale ee dhawaan la xiray.