Iyadoo xalay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Xalay uu ka qayb galay Barnaamij dood furan ah oo ay shacabka Su’aalo ku weydiinayeen Madaxweynaha ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur in Madaxweyne Farmaajo ay wax ka badan seddex sano ka waayeen in uu bulshada hor yimaado kadibna uu su’aalaha ay qabaan uga jwaabo, balse xalay ayuu sheegay in qaar ka mid ah bulshadu ay fursad u heleen in ay madaxweynaha Su’aalao weydiiyaan.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan cabdi shakuur Warsame ayaa dhaliilay qaabka uu xalay su’aalaha uga jawaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi maxamed Farmaajo, waxaana uu ku eedeyay in Su’aalo badan oo loo baahnaa in laga jawaabo uusan sidii la rabay uga jawaabin, waxaana uu sheegay in Farmaajo uu Jawaabihiisa kusoo koobay “Ma garanayo iyo kama jawaabi karo†taasi oo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur uu ku tilmaamay ayaan darro weyn.
Farmaajo ayaa xalay la weydiyay Su’aalo dhawr ah, waxaana uu ka gaabsaday in uu ka jwaabo qaar ka mid ah su’aalihii ay weydiiyeen dadkii ka qayb galay doodii xalay.