Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa duhurnimadii Maanta waxaa gaaray Askar farabadan oo ka tirsan Ciidanka Booliska sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.
Illaa 200 askari oo ah Ciidanka Booliska ayaa diyaarad looga qaaday Garoonka Muqdisho, taas oo ka degtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb, sida aan wararka ku helnay.
Sababta Ciidanka loo qaaday ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii  Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu dalab u diray Madaxda Dowladda Federaalka oo ahaa in ciidan loo soo diro.
Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay hub ay laheyd Ahlusuna oo uu amray Madaxweyne Qoorqoor in lagu wareejiyo Wasaarada Amniga Galmudug, hase ahaatee waxaa ka horyimid Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad Jen. Mascuud oo u sheegay Qoorqoor in hubkaan aanay aheyn hub dowladeed ee uu yahay hub beel leedahay, haddii hub la wareejinaya beelaha kalena laga soo wareejiyo.
Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi ayaa xilka looga qaaday sababtii uu hubka ugu wareejiyay Jen. Mascuud, waxaana xiligaas is KMG ah loogu magacaabay Maxamed Gaanyac Cabdulle.