Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay heshiiskii 17-kii bishaan September ay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Banaadir ka gaareen Doorashada dalka ee 2020/2021.
Madaxweyne Geelle oo shalay Khudbad ka jeediyay Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa boggaadiyay heshiiskii ay Madaxda ka gaareen Doorashada, isagoona u mahadceliyay Madaxdii ka qeyb gashay shirkii Muqdisho.
Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa heshiiska Doorashada ku tilmaamay mid muujinaya in Soomaaliya ay qaaday dhabbaha jiheysan ee nabadda iyo xasiloonida, isla markaana si wadajir heshiis loo gaaray.
Dhinaca kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, isagoona soo dhaweeyay magacaabista Rooble oo kalsoonida lasiiyay, si uu u soo dhiso Xukuumad Cusub, isagoo Beesha Caalamka ugu baaqay taageerista Somalia.