Bannaan bax ballaaran ayaa ka billowday Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, waxana dadka shacabka ah ee degmadaas ay ka bannaan baxayaan Ciidamada Kenya  oo xasuuq u gaystay dadka degaankaasi.
Bannaanbaxa ayaa yimid kadib markii Ciidanka Kenya ay soo weerareen Qoys degganaa duleedka Ceel-waaq, waxaana ay halkaasi ku dileen Wiil qoyska ay weerareen ka mid ahaa, iyagoo qaatay seddex qof oo dhaawaca ah, kuwaas oo markii dambe ay dileen kadibna ay god ku rideen.
Shacab aad u caraysan ayaa waxaa waxaa ay ku hor bannaan baxayaan xerada ay Ciidanka Kenya ku leeyihiin Ceel-waaq, waxaaana bannaanbaxa oo ah mid aad culus ka qayb galaya Carruur, haween iyo dhallinyaro.
Shacabku waxaa ay sheegeen in aysan u dul qaadan doonin daan-daansiga ay ku hayso dowladda Kenyan waxaana wali socda bannaanbaxa oo ah mid aad u ballaaran.
Dowladda Kenya ayaa horay u Xasuuqdayb dad shacab ah iyadoo ku handacoonaysa in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana horay dad shacab ah ugu laayeen, Buusaar, Fax-faxdhuun iyo meelo kale, mana jirto cid wax u qabatay Eheladii iyo shacabkii dadkooda la xasuuqay.