Caawa oo kale, bishii October 21-dii ee sannadkii 1969-kii waxaa Isbedel Maamul ku yimid Haykalka Dowladii Rayidka ee haysay Talada dal-weynaha Somalia.
Maalmahaasi waxa baroor-diiq Qaran loogu jirey geeridii Madaxweynihii Xilligaas, Marxum Abdirashid Ali Sharma’arke oo lagu dilay magaalladda Laas Caanood ee Gobalka Sool.
Saraakiisha ugu cuslaa Milliteriga X.D.S. ee xilligaas waxay dareemeen inuu dalku ku soo wajaha yahay Xaallad Khatar ah, waxayna qaatay Go’aan ay kula wareegeen Majarihii dalka.
Waxaa la dhisay Golihii Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed oo uu hoggaminayey Madaxweynihii hore, Marxum Jeneral Maxamed Siyaad Barre, waxaana xubno ka ahaa Saraakiil ay ugu muhiimsanaayeen:-
- Jeneral Xuseen Kulmiye Afrax,
- Jeneral Maxamed Cali Samantar,
- Jeneral Salaad Gbaayre Kediye,
- Jeneral Jaamac Cali Qoorsheel,
- Jeneral Maxamed Caynaanshe Guuleed,
- Jeneral Cabdalla Maxamed Faadil,
- Kolonel Cali Mataan Xaashi,
- Kolonel Ismaaciil Cali Abokor,
- Kolonel Axmed Sulaymaan Cabdalla,
- Kolonel Maxamed Sheekh Cusmaan Makaa’iil,
- Kolonel Maxamed Cali Shire,
- Kolonel Maxamuud Geelle Yuusuf,
- Kolonel Faarax Wcays Duule,
- Kolonel C/risaaq Maxamed Abuukar,
- Kolonel C/qaadir Xaaji Maxamed Masale,
- Kolonel Maxamed Cumar Jees,
- Kolonel Muuse Rabiile Good,
- Kolonel Bshiir Yuusuf Cilmi,
- Iyo Kolonel Cabdi Warsame Isaaq.
Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu ka badbaaday  Afgembi dhacay bishii April ee sannadkii 1978-kii, waxaana Saraakiishii Kacaanka ee ku fashilmay Afgambigaasi lagu wada fuliyey Xukun dil ah.
Golihii Kacaanka Soomaaliyeed waxaa dhexdooda u yaallay Xeer ahaa in Xubnihii lagu helo Isku-day Afgembi in la dili doono,
Waxaana ka Saraakiishii lagu fuliyey Xukunka Dilka ugu caansanaa Jeneral Salaad Gabayre Kediye iyo Jeneral Maxamed Caynaanshe.
Dowladda Milliteriga waxay xukunka dalka hayeen muddo 21-sanno ah, waxaana lagu xusuustaa Wanaag iyo Xumaan.
Dowladda Kacaanka, waxay Muwaadiniinta u fududeeyeen inay si lacag la’aan ku helaan Adeegyadda muhiimka sida Waxbarashadda iyo Caafimaadka.
Ardaydii ku soo hanaqaaday Dowladdii Kacaanka waxay haysteen Waxbarasho ilaa Heer Jamaacadeed oo lacag la’aan ah, iyadoo Ardayda dhamaysata Waxbarashadda si toos ah shaqo looga sioin jirey  Wasaaradaha Dowladaha.
Dowladdii Milliteriga waxay culayska saartay  Arrimaha Amniga Qaranka, waxaana gacan bir ah lagu qaban jirey Shaqsi kasta oo ka horyimaada Himilada Kacaanka.
Waxaa inta badan xukun dil ah lagu fulin jirey Madaxda lagu helo Xatooyo Dadweyne iyo Eedeysanayaasha kale ee geysta Fal-dembiyadda khatar ku ah Danaha Qaranka.
21-kii sanno ee ay Dowladdii Kacaanka xilka haysay waxaan la mamnuucay Shirarka Siyaasadeed iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda.
Waxaa dalka ka jira hal Xisbi, kaasi oo ah Xisbigii Kacaanka Hantiwadaagga Soomaaliyeed oo marka loo soo gaabiyo loo yaqsiinay XHKS.
Madaxweynihii Dowladda Kacaanka, Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxa uu ahaa Hoggaamiye Aragti Dheer, wuxuuna culayska saari jirey Dhismaha Ciiddamadda Qaranka, gaar ahaan Xoogga Dalka iyo Ciiddanka Nabadsugidda ee loo yaqiinay NSS-ta.
Waxaa Ciiddanka NSS-ta xubno ka ahaa dhamaan Ururradda Bulshadda, iyadoo Degmo kasta laga dhisay Xarunta Degmadda, si loogu wacyi-geliyo Bulshadda iyo in Maamulka Dedmadda ula socdaan Dhaqdhaqaaqa Dadweynaha.
Waxaa Maamulka Degmooyinka la hawl-gelin jirey Ciiddan la oran jirey Guul-wadayaasha, kuwaasi oo inta badan hormuud ka ahaan jirey Abaabulka iyo Kicinta Bulshadda iyo Ka-qeybgalka Ololaha Iskaa Wax-u-qabso.
Dowladdii Kacaanka waxaa lagu xusuustaa Mashaariicda Horumarinta iyo Dhiiri-gelinta Wax-soo-saarka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Xoolaha.
Waddanka waxa uu ka dhismay Difaac ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Amni ahaan, waxaana lagu noolaan jirey Nabad buuxda, mana jirin cabsi khatar ahayd.
Shirkadaha Diyaaradaha, Maraakiibta iyo kuwa Ganacsiga waxay dhamaantooda hoos tegi jirey Dowladda Kacaanka, mana jirin xilligaas Shirkaddo Xawaalad iyo Bangiyo Khaas loo leeyahay.
Dowladda Kacaanka waxay ku dhaqmi jirtey Nidaamka Hanti-wadaagga, Caburinta Hadalka iyo in Gacan bir ah lagu qabto dadka lagu tilmaamo Kacaan-diid iyo Dabadhilif.
Mabaa’diidii Kacanka ee qaldanaa waxa ugu muhiimsanaa Qaladkii Diinta ee dhacay sannadkii 1975-kii, kadib, markii uu Jaalle Siyaad jeediyey Khudbad aan laga fiirsanin.
Khudbadiisa waxay ku saabsanayd Barnaamijkii Dowladda ee Xeer-qoyska iyo waxa uu ugu yeeray Sinnaanta Ragga iyo Dumarka , taasina waxa ka dhashay Kacdoon Dadweyne, oo Culumaa’udiinka horkacayeen.
Dowladdii Kacaanka waxay xireen, isla markaana dil toogasho ah ku fuliyeen 10-Shiikh oo gaashaanka ku dhuftay Qorshahaasi.
Mashaa’iqda la dilay waxay kala ahaayeen:
- Sheekh Axmed Sh. Maxamed
- Sheekh Muuse Yuusuf
- Sheekh Axmed Iimaan
- Cali Xasan Warsame,
- Xasan Ciise Iley
- Maxamed Siyaad Xirsi
- Cali Jaamac Xirsi
- Aadan Cali Xirsi
- Saleebaan Jaamac Maxamed
- Yaasiin Cilmi Cawil.