Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeelan doonaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay sida la qorsheeyay Akhrinta labaad ee sharciga hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, kaasi oo dhawaan Akhrinta koowaad ay marsiiyeen Xildhibaanada.
Xalay ayaa waxaa mudanayaasha Golaha Shacabka loo diray farriimo ku aadan inuu jiro kulanka Golaha, isla markaana looga baahan yahay in Xarunta ay soo xaadiraan 09:00 subaxnimo.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tan iyo markii la daah-furay kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka waxaa ay ku ansixiyeen sharciyo kala duwan, iyadoona weli ay horyaalan, kuwo kale oo looga baahan yahay inay ansixiyaan.